

Kusoo dhawoow High Point Orchard
High Point Orchard waxa ay udabaal dageysaa kobaca magaalada Seattle waxa ayna ina xasuusineysaa xiriirka aan la leenahay dhulka, cuntada, iyo bulshada. Geedahaan waxa ay ku biirayaan in kabadan 500 oo geed mirood ah oo magaalada oo dhan ah kuwaas oo loogu talagalay u adeegsiga danta guud, daryeelka, iyo istareexa. Geedihi hore asalka ahaa ee beer miroodkaan waxaa kamid ah kiiwi, tiitiin, tufaax, miro guduud, silimmo, iyo beeya. Geedaha ayaa laga soo hadiyadeeyey Swansons Nursery, West Seattle Nursery, iyo saaxiibada Piper’s Orchard.
Dhirta dheeraadka ah ee kabeysa oo ku xeeran salalka geed mirood kasta waxa ay qeyb ka yihiin hannaanka abuuritaanka asaliga ah oo qadarin u muujinaya taariikhda dhulkaan oona kor uqaadaya caafimaadka guud ee geedaha iyo miro soosaarka. Dhaqankaan waxaa inta badan loo yaqaanaa nidaamka cilmi beereedka waxa uuna gacan kageysan karaa yareynta cayayaanka waxyeeleeya beeraha kuwaas oo saameeyey beero miroodkii hore.
Ayadoo la raacayo mabda’a beero miroodka dadweynaha ee Seattle, miraha laga helo geedahaan waxaa loo fasaxay dhammaan soo booqdayaasha iyo dadka deegaanka ahba. Fadlan ka gooso miro kasta oo aad aragto inay bisil yihiin, naguna soo biir si aan ooga caawino geedo miroodka inay koraan oo ay baraaraan.
“Banii’aadanku ma lahan dhulka; banii’aadanka waxaa iskaleh dhulka. Tani waanu ognahay, in wax waliba ay isugu xiran yihiin sida dhiiga kaas oo mideeya hal qoys. Wax waliba waa ay isku xiran yihiin.” – Hoggaamiyihi Si’ahl, Namesake ee Magaalada Seattle.
Maalinta loo dabaaldego Dhulka ee sanadki 2021, City Fruit, Seattle Housing Authority, Neighborhood House, iyo Open Space Association of High Point waxa ay iska kaashadeen dhisitaanka beer miroodka dadweynaha oo cusub oo loogu talagalay farxada/istareexa bulshada.
Beeraha miraha ee dadweynaha ayaa taariikh soojireen ah oo dheer kuleh Seattle. Sanadihii 1890 meeyadii si uu ooga caawiyo foornada qoyskiisa, A.W. Piper waxa uu abuuray geedaha tufaaxa, miro guduudka, iyo miraha beeya oo kuyaalo xaafada maanta loo yaqaano Broadview. Geedahaan ayaa markii dambe loo aqoonsaday Piper’s Orchard oo kuyaalo Carkeek Park. Beeraha miraha ee kale, sida Amy Yee oo kutaalo Mount Baker, waxaa asal ahaan la bilaabay sanadihii 1940meeyadii sida geedo si gaar ahaaneed loo abuuray loona ilaaliyey kahor inta aanay si wadajir ah loogu aqoonsan beeraha miraha ee dadweynaha.
Beeraha miraha dadweynaha badan ee danbe, sida Picardo oo kutaalo Ravenna, waxaa la bilaabay kadib sanadkii 1973, markii beeraha dadwayne ee P-Patch iyo beeraha miraha ay bilaabeen iney qaab yeeshaan. Intaasi kadib, beeraha miraha dadweynaha ee kale ayaa si kutalagal ah loo abuuray, oo ay kamid yihiin Linden Park Orchard oo kutaalo Phinney Ridge iyo Angel Morgan oo kutaalo Brighton.
High Point Orchard waxa ay udabaal dageysaa kobaca magaalada Seattle waxa ayna ina xasuusineysaa xiriirka aan la leenahay dhulka, cuntada, iyo bulshada. Iyadoo lagu beerayo dhirtaan dheeraadka ah beeraheena miraha ee dadweynaha, waxaan hiigsaneynaa inaan si ballaaran ugu lahaano dhir badan bulshadeena dhexdeeda, halkaas oo aan si gaar ah ugu adeegno dadka deegaanka ee badan kuwaas oo u yaqaano deegaankan gurigooda.
Geedaha miraha oo dhawr ah, oo ay kujiraan kiiwi, tiitiin, tufaax, miro guduud, silimmo, iyo beeya, ayaa laga soo hadiyadeeyey Swansons Nursery iyo West Seattle Nursery waxaana laga heli karaa guud ahaan beerta. Goobtani waxaa loogu doortay inay noqoto xarunta beeraha miraha adeegsigooda badan awgood iyo u dhawaanshahooda beeraha iyo guryaha shinida ee marhoreba hirgalay ee P-Patch. City Fruit waxa ay billoowday dhaqan asal ah oo ah kudarida Dhir dheeraad ah hareeraha salalka geed mirood kasta iyadoo qadarin loo muujinayo taariikhda dhulkaan iyo in kor loogu qaado caafimaadka guud ee geedaha iyo miro soosaarka. Dhaqankani, inta badan waxaa loo yaqaanaa, nidaamka cilmi beereedka, ayaa si guul leh loogu dabaqay beer mirood dadweyne oo kale iyo beerta, Beacon Food Forest, waxaana aaminsanahay inay sidoo kale gacan kageysan doonto yareynta cayayaanka waxyeeleeya beeraha kuwaas oo saameeyey beero miroodki hore.
Ayadoo la raacayo mabda’a beero miroodka dadweynaha ee Seattle, miraha laga helo geedahaan waxaa loo fasaxay dhammaan soo booqdayaasha iyo dadka deegaanka ahba. Fadlan ka gooso miro kasta oo aad aragto inay bisil yihiin, naguna soo biir si aan ooga caawino geedo miroodka inay koraan oo ay baraaraan.
Afarta geed ee tufaaxa ah ee Belmont ee halkaan–oo laga soo tallaalay jirid lasoo gooyey oo jiri kara da’da 130+ oo ay talllaaleen saaxiibada Piper’s Orchard–waxa ay kala matalaan afarta urur ee sida wadajirka ah isugu yimid mashruucaan waxaana ka go’an inay gacan kageystaan maareynta beer miroodkaan sananadaha mustaqbalka ee soo socdo. Anagoo adeegsaneyna geedahaan iyo iskaashigeena, waxaan sii wadeynaa taariikhda beero miroodka dadweynaha si aan ugu sharafno dhulkeena, bulshadeena, iyo rajada ah in geedahaan ay miro udhalaan xubnaha bulshada ee qarniga soo socdo iyo dadka deegaanka ah si ay ooga faa’iideystaan.